Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo Tarsan xil loogu magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Degreeto ka soo baxday maanta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Max’ed Axmed Nuur Tarsan in uu noqdo lataliye sare ee dhanka siyaasadad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan oo horey u soo noqday  Guddoomiyihii gobalka Banaadir ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii madaxtinimo ee horaantii sanadkan ka dhacday dalka.