Digniin loo jeediyay Hey’adaha ka shaqeeya Wacyi galinta Gudniinka Fircooniga

C/laahi Xaashi Cali, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Wasaaradda in siyaasad iyo nidaam ahaan ay dadaal ugu jirto sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah.

Wuxuu sheegay inay jiraan shaqsiyaad sheegta magacyada Hay’ado oo dhaqaale ku soo qaata arrimaha gudniinka, wuxuuna tilmaamay dadkaasi inay wadaan nidaam aan sax aheyn, midaasina aanan raali nooga noqon doonin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka C/laahi Xaashi Cali ayaa digniin u diray hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigalinta gudniinka Fircooniga ah ee aan soo marin wasaaradaha ku shaqada leh ee dawladda.

“Wasaaradda siyaasad ahaan iyo nidaam ahaan waxay dadaal ugu jirtaa sidii loo ciribtiri lahaa gudniinka fircooniga ah, waxaa jira shaqsiyaad sheegta magacyada Hay’adaha oo dhaqaale ku soo qaata arrimaha gudniinka fircooniga, kadibna waxay doonaan dalka ka sameeya, midaasi looguma dul qaadan doono.” Ayuu yiri Agaasime C/laahi.

Soomaalida qaar waxay isticmaalaan gudniinka fircooniga ah, Todobaadkii tagay ayaa degaan duleedka ka ah degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ku geeriyootay gabar yar oo 10 sano jir aheyd, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.