Digniin loo diray Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada ee guryahooda ku haysta Rag kasoo goostay Al-shabaab

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in deegaannada Maamulka Koonfur galbeed ay ku badan yihiin xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isas-soo dhiibaya,kuwaas oo qaarkood la marsiiyo sharciyAdii loogu talo galay.

Waxaa uu sheegay in dhinaca kale ay jiraan Mas’uuliyiin iyo sarakiil ka tirsan Dowladda oo guryahooda ku haaya Xubno ka tirsanaa Shabaab balse isas-soo dhiibay, iyaga oo aan la diiwaangelin soona marin sharciyadii loogu talo galay.

Isaga oo ku sugan Magalada Baydhabo ayuu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in Xildhibaan, Sarkaal iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan dowladda inay haayan Xubno ka tirsanaa Shabaab, iyaga oo aan la diiwaangelin,waxaana uu sheegay in mas’uuliyiintaas ay la mid yihiin Al-Shabaab.