Dhuusamareeb: Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Dagaal U Dhexeeya Ahlu Sunna Iyo Ciidamada Dowlada

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsand dagaal xoog leh oo ka socda bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaalkan oo qasaare badan sababay ayaa waxa uu u dhexeeya ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Ahlu Sunna oo weerar ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah qeybo kamid ah magaalada Dhuusamareeb iyadoo dadkuna ay bilaabeen inay ka barakaceen xaafadaha uu dagaalku saameeyay.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xalay ay gudaha u soo galeen ciidamo taabacsan Ahlu Sunna kuwaasoo xarun u ahayd deegaanka Bohol.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa mid walba waxa uu guulo ka sheegtay dagaalka.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xilli inta badan madaxda maamulka Galmudug ay ka maqan yihiin magaalada iyagoo ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.