Dhulgariir xoogan ayaa Maanta gelinkii danbe ka dhacay Magaalada Athens ee dalka Giriiga,
Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.1 ayaa ku dhuftay waqooyi beri Caasimada Athens, waxaana inta la og yahay uu geystay qasaaraha labo qofood oo ku dhaawacmay,
Afhayeen u Hadley dowlada Giriirga ayaa sheegay in dhulgariirkani uu saameeyay 14 mile oo isku weer ah Isla markaana uusan gaysan wax burbur dhisme ah marka laga reebo qasaaro kobbar oo gaaray xarumo ganacsi.
Gabar ka mid ah Soomaalida dagan Athens ayaa Warbaahinta Goobsan u sheegtay in markiii uu dhulgariirku dhacay ay dhaman dadkii oo dhan ay banaanka uga soo baxeen dhismayaasha si looga fogaado burburka ka dhalan kara halkaas balse nasiib wanaag qasaaruhu uu ahaa mid iska kooban.