Dhowr Wasiir oo hor imaan doona Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ayaa maalinta sabtida ah u yeeray wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaliya kuwaasi oo su’aalo la weydiin doono.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo maanta shir gudoominayay kulankii Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa markuu dhamaaday kulanka  ku wargaliyay wasiiradda Cafimaadka, Warfaafinta,iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay  hor yimaadaan Baarlamanka Soomaliya.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada ay wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Omar Osmaan (Yariisow) ay su’aalo  ka weydiin doonaan wax ka badalka lagu sameeyay xeerka Saxaafadda Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaliya  Xasan Xuseen Xaaji  ayuu sheegay In Xildhibaanada ay su’aalo ka weydiin doonaan sharciga musuq-maasuqa oo dhawaan wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay u gudbisay.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay In wasiirada caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur ay xildhibaanada  su’aalo ka weydin doonaan shaqada wasaaradaas.