aDalalka Turkiga, Qatar, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa Soomaaliya waxa ay u balan qaadeen gargaar caafimaad oo ku wajahan dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
“Waxaan u mahadcelinayaa dalalka Turkiga, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Qatar oo ballan qaaday gargaar caafimaad oo ku wajahan Soomaalida ku dhaawacantay weerarkii cadawtinnimada ahaa Sabtidii lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed” Ayuu ku yiri Yuusuf Garaad, kadib qoraal uu ku soo qoray Bartiisa Facebooka.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa waxa uu u mahad celiyay dowladaha iyo ururro caalami ah oo tacsi u soo diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya, una muujiyay taageero.
Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ayaa durbaba bilaabay inay howl galaan, waxaa ay bilaabeen tirakoobka dadka xaaladooda dalka wax looga qaban la’yahay oo lagu wado in loo qaado dibadda.
Shacabka reer Muqdisho, ayaa waxaa lagu ammaanay inay si weyn uga falceliyen baaqii ahaa, in loo gurmado dhibane-yaasha, isla-markaana ay dhiigoodu u yaboohaan.