Haramacad ayaa weeraray dad ku sugnaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.
Haramacadkan ayaa lagu soo waramayaa saakay in hal qof uu dilay, halka Todobo qof oo kalena uu ku dhaawacay Xaafadda Caanoole ee Degmada Wanlaweyn, kadib markii caruur meel ku ciyaareysay uu soo weeraray.
Dadka qaar ayaa isku dayay inay ka badbaadiyaan caruurta yar yar, waxaana Haramacadku uu isku wada maray caruurtii yar yaraa iyo dadkii waa weynaa ee isku dayayay inay caruurta badbaadiyaan.
Agaasimaha Idaacadda Wanlaweyn Ismaaciil Mire ayaa Warbaahinta sheegay Todobada qof ee dhaawaca ah oo ay ku jirto Gabar yar inta kalena ay yihiin Rag in laba ka mid ah dhaawacooda uu halis yahay, sidaasi darteedna labadaasi qof loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.
Sidoo kale Agaasime Ismaaciil Mire wuxuu sheegay in ugu dambeyn la dilay Harmacadkii, kadib markii ay toogeen Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo wada baaritaanada la xiriira dhacdadan ayaa ku jahwareersan halka uu ka soo galay Haramacad, maadaama degmada aysan laheyn Hood ama meel xaywaanada waa weyn ay ku nool yihiin.