Dhageyso: Wasiir Islow oo hortagay Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta Xildhibaanada ka hor aqriyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Labadaan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Amniga ee Xukuumada Soomaaliya, waxaana cod wada ogol ah ku soo ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob halka hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila uu ka kooban yahay 10 qodob.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in labadaan hindise sharciyeed ay muhiim u yihiin dalka.

Aqrinta labada hindise sharciyeed ka dib ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay Wasiirka weydiiyeen su’aalo iyo inuu faah faahin ka bixiyo qodobada qaar ee labada hindise sharciyeed ku jira.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.