Dhageyso: Waqtiga loo balansanyahay in ay dib u bilaabato dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay fursad u heysato in dacwadii laga gudbiyay ay uga soo jawaabto ilaa 18 Bisha soo socota ee December Sanadkaan 2017.

Waxa uu sheegay in markii ay keenaan jawaabta dacwada ayaa Maxkamada The Hague ee dalka Holland  loo gudbiyay dacwadan ay bilaabi doonto dhageysiga Muranka dhanka Biyaha ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa uu shegay in ay tani horseedi karto in Soomaaliya ay Guul ka soo hoyso dacwadeeda.