Dhageyso: Musharaxiinta Soomaaliland oo si kulul uga hadlay Xiisada kala dhaxeyso Puntland

Ka dib markii Puntland ay dhawaan ku dhawaaqday in ay qaadeyso tilaabo ka dhan ah maamulka Somaliland hadii ay isku dayaan in doorasho ay ku qabtaan degaanada lagu muransan yahay ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somaliland.

Saddexda Musharax ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo hadii kale Somaliland ay bixin doonto jawaab cad.

Muuse Biixi ayaa sheegay hadii Puntland ay faragelin ku sameyso Somaliland in ay iska difaaci doonaan , maadaama uu sheegay in Beesha Caalamka ay ku wargeliyeen Xiisadda.

Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in xiisadda la xaliyo oo la joojiyo.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku tilmaamay gardaro go’aankii ay qaateen Baarlamaanka maamulka Puntland.

Halkan ka dhageyso Codka Musharaxiinta