Dhageyso Codka: Wareysi uu bixiyay Ruuxii isku qarxiyay Saldhiga deegaanka Bariire

Shabaab ayaa baahisay magaca ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ismiidaamiyaha ayaa magiciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaah, oo loo yaqaanay (Macalimuu) kaasoo ay sheegeen in gaariga miineysan uu watay iskula qarxiyay bartamaha saldhigga ciidamada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ninkaan uu horey uga tirsanaa ciidamo lagu magacaabo Fursaanta balse markii dambe uu kusoo biiray guutada isqarxinta sida ay sheegeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale in ismiidaamiyaha uu ku jiray da’da labaatameeyada waxana uu kasoo jeedaa beesha Gaaljecel.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa wareeysi la yeelatay ismiidaamiyaha ka hor inta inuu fulin weerarka isqarxinta ahaa ee lagu galay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire.

Hoos ka dhageyso Codka Is-qarxiyahii Bariire

Codka is-qarxiye Bariire