DHAGEYSO: Codka Ninkii isku Qarxiyay Oto-oto oo ay deganaayeen Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay wareysi lala yeeshay nin ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii isqarxinta ku bilowday ee lagu qaaday 7-dii bishan xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga.

Ninkaan ayaa inta uusan hawlgalkan ku dhaqaaqin wareysi laga duubay ku sheegay inuu isku qarxinayo laynta waxa uu ugu yeeray murtadiin, intaasi kadibna uu ugu dhawaanayo Alle.

Cali Ibraahim Macalim Aadan (Cali Dheere) oo 31 sano jir ahaa muddo badana ka tirsan ururka Al Shabaab, gaar ahaan qaybta isqarxinta ku qornaa ugu dambeyna sidaasi ku dhintay.

 Shabaab warbaahintooda oo lagu magacaabo Idaacadda Al Andulus ayaa waxa ay sheegtay ninkan inuu ka soo jeeday Beesha Hadame, ee degta degaanada Koonfur Galbeed, kana mid ahaa dagaalamayaasha Shabaab.

Cali Ibraahim Macalim Aadan oo loo yaqaano (Cali Dheere) ayaa waalidiintii dhalay wuxuu u diray fariin ah inay ogaadaan inuu ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Otto Otto.

Shabaab ayaa inta badan lagu yaqaanaa in ay soo bandhigaan codadka ay ka duubaan ragga Ismiidaaminta ka fuliya dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyaga oo wareysiyada ay bixinayaan ku sheega in ay wado saxan ku dhimanayaan.

Halkan ka dhageyso Codka.