Dhageyso: Codka Ninki isku Qarxiyay Albaabka hore ee Hotel Cascasey

Waxaa la helay Cod uu duubay mid kamid ah ragii fuliyay Weerarki Hotel cascasey ee nagaalada Kismaayo kaas oo uu ku sheegayay inuu laynayo gaalo balse waxa is weydiin mudan Alshabab ma Somalida ku sugan goobaha ay weeraraan ayay gaalo u yaqaanan mase Kuwa nafti haligayaasha ee weerarka fuliyay ayay xog qaldan siiyaan.

Muxamed Deeq Cali  oo Ku magac dheraa (Muscab Fadhi Koow) Wuxuu ahaa  naftiis hurihii daah furay weerarka isagoo kaxaynayay gaarigii lagu dhuftay Albaabka Hoteelka Cascaseey ee Kismaayo.

Zakariye wuxuu kasoo jeeda beesha Direed gaar ahaan  “WARDEYā€¯ oo dega gobollada Jubbooyinka  wuxuu Alshabaab ku biiray asaga oo aan qaan gaarin ugu dambeyna waxa uu ka mid noqday dadka Naftooda haligay ee galaaftay Umad badan oo Muslimiin ah.