Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay magaca mid ka mid ah Raggii ku lugta lahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya
Al-shabaab waxaa ay magaca Ninka waday Gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorbin ku sheegeen Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure
Ninkan oo ay wareysatay Idaacadda Al-shabaab ka hor isqarxintiisa ayaa waxaa uu sheegay in uu ka dhadhay Beesha Marreexaan kana mid ahaa dagaallamayaashii Al-shabaab ee fuliyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta NISA.
Al-shabab waxaa sidan oo kale markasta u sheegtaa dadka isqarxiya magacyadooda iyo qabiillada ay ka soo jeedaan.
Weerarkii dhawaan ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho waxaa dadka ku dhintay lagu sheegay dad ka badan 40 Qof oo u badan dad rayid ah.
Halkan ka dhageyso Codka Ismaadiyahii nawaaxiga Hotel Doorbiin