Dhageyso codka: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlay Banaanbaxayaal caraysan Balan qaadna u sameeyay (Sawirro)

Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ayaa dhigay Banaanbax ballaaran oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyin adag oo loogu gaysto wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ay dhigeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa salka wuxuu ku hayaa in loo diiday inay ka soo gudbaan wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, horayna waxaa looga xiray wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray.

Banaanbaxayaasha ayaa markii hore isugu yimid Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhigeen Mootooyinkii ay ku shaqeynayeen, wuxuuna markii dambe Banaanbaxooda ku fiday magaalada, gaar ahaan wadada KM4, halkaasi oo ay isugu yimaadeen.

Banaanbaxan ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii Banaanbaxayay, maadaama Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay Rasaas ku fureen Banaanbaxyaasha.

Inta la ogyahay laba qof oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxayay ayaa ku geeryooday Rasaasta ay fureen Ciidamada, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Banaanbaxyaal careysan ay dileen Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM, sidoo kale sawirro laga soo qaaday goobta uu Banaanbaxa ka dhacay ayaa muujinaya Gaari Ciidanka AMISOM ay leeyihiin, kaasi oo ay burburiyeen Banaanbaxyaasha.

Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa gaaray isgoyska KM4, halkaasi oo Banaanbaxa xoogiisa uu ka dhacay, wuxuuna la hadlay dadka Banaanbaxa dhigay, kuwaasi oo u badan Dhalinta ku shaqeysata Bajaaj-ta.

Thaabit ayaa Banaanbaxayaasha u sheegay dhibaato kasta oo soo gaartay in laga xaal marin doono, iyaga oo cabashadooda u soo gudbinaya labada Guddoomiye ee degmooyinka Waaberi iyo Hodan, kuwaasi oo maamula degmooyinka Banaanbaxa xoogiisa uu ka dhacay.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa Dhalinta Bajaajleyda u sheegay in wixii hada ka dambeeya ay mari karaan wadooyinka la yiri ma mari kartaan, wuxuuna ka dalbaday in ay Ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda.

Xaalada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay tahay mid aad u kacsan, waxaana guryahooda ku hakaday dad fara badan oo shaqooyin kala duwan u soo aadi lahaa magaalada, maadaama Banaanbaxa uu bilowday aroortii hore ee saakay.

Dhagayso Codka Gudoomiyaha