Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay dagaalkii xooggana ee shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in maanta lagu dagaallamayo Magaalada Buuhoodle.
Isagoo ku sugnaa goob laga maqlaayay rasaas Xooggan ayuu sheegay Cali Khaliif in waxa Magaalada isku diriraayo ay yihiin dadkii Khaatumo oo la isku diray.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Khaatuma aysan dani ugu jirin in Garoowe iyo Hargeisa ay u kala dhaqaaqaan taasoo loo fasiran karo in Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay u kala janjeeraan.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in waxgaradka degaanada maamulka Khaatuma laga doonaayo in ay qaataan doorkooda ,islamarkaana ay xaliyaan colaada Magaalada Buuhoodle
Dhagayso codka cali khaliif Galayr