Hogaamiyaha Maamulka Ahlusuna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in lasocod-siin doono Lacagta Shillinka Soomaaliga nuuca Lagu Sameeyo deegaanada Puntland oo dhawaan laga diiday Gobalada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo dhaweeyey heshiis ganacsatada Gobalada Dhexe ay la galeen Maamulka Puntland ka dib kulamo ka dhacay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee Gobalada Bari iyo Nugaal,asagoo sheegay Heshiiskaas laga dhaqan galin doono Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Gura-ceel ee Gobalka Galgaduud.
Ugu danbeyntii Hogaamiyaha Ahlusuna ayaa ugu baaqay Ganacsatada in kaalin muuqata ka qaataan Socod siinta lacagta Shillinka Soomaaliga Nuuca sooo Daabacay Maamulka Puntland oo Maalmihii Danbe muran Xoogan ka jiray.
DHAGEYSO CODKA MAXAMED SHAAKIR