Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab eek u sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli Qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ay soo galeen ciidamo tiro badan oo ka socda dowladda Itoobiya.
Halkan ka dhageyso codka