Dhageyso: Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyay in ay Lix Qof oo Shacab ah ku dileen SH/Hoose

Siyaasi Cabdullahi Axmed Maxamed Cabdulahi dheere ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayay dagaal ay Saraakiisha ciidamada sheegeen in ay kula galeen Garab Sheemo oo hoostagta deeganka Lambar 50 ee Gobolka shabeelaha hoose inay ahaayeen Alshabaab.

Siyaasigan oo ka soo jeeda deeganka ayaa sheegay inay hayaan cadeymo muujinaya dadkan la laayay inaysan aheyn Al-shabaaab balse ay aheeyeen dad shacab ah waa sida uu sheegay C/laahi dheere.
Wuxuuna ku sheegay tirada dadkan la dilay ilaa lix qof oo dad waayeelo ah ay ku jiraan isagoona sheegay in meyadadka hadda ay yaalaan Isbitaalada Madiino iyo Keysanay ayna ku jiraan qaboojiyayaal.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dad dhaawac ah kuwaas oo ayakana ka warami doona Xaqiiqda meesha ka jirta.
Siyaasigan ayaa sheegay in ay u baahanyihiin in Cadaalada lasoo hor taago Saraakiishi ka dambeysay Gumaadkan dadka Shacabka ah loo geystay.
Wareysigan waxaa la yeeshay Idaacad ku taal magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Simba waxa uuna ka waramay Sida ay wax u dhaceen iyo waxa uu tabanayo.

Hoos ka dhageyso Wareysi lala yeeshay C/laahi dheere