Imaamka Beesha Habar-gidir Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo la hadlay idaacad ku taala magalada Muqdisho oo lagu magacaabo simba ayaa sheegay in maanta ay go’aan kasoo saari doonaan dhacdadii lagu laayay ilaalada Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isna siyaasiga dhaawac loogu geystay laguna xiray.
Wuxuu imaanka intaa ku daray iney go’aan cad kasoo saari donaan weerarkaas aan loo marin sifada sharciga beesha habar gidir iyo beelo kale oo ku kulansan Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Dhanka kale dhacdadaan muranka badan dhalisay ayaa waxaa isla Idaacada simba isna kaga hadlay Siyaasi Cabdiwali Yuusuf Cumar waxuuna sheegay in loo maray sifa aan sharciga waafaqsaneen ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo dowladana looga baahan yahay iney arintaasi xaliso inta uusan nabarkaasi faafin.
Todobaadkaan Gudihiisa Ciidamadda Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida Soomaliya ayaa weerar ku qaaday hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame waxayna halkaas ku dileen afar kamid aheyd ilaadiisa isagana dhaawac ayay u geysteen.
Dowladda Soomaliya oo shalay ka hadashay arintaan ayaa sheegtay in Maxkamadd lasoo taagi doono Siyaasiga madaama uu ahaa mid ka shaqeynayay burburinta Soomaliya iyo Dowladda Cusub.
Xigasho Simba Radio