DHAGAYSO: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadlay dagaalada Mudug

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaaladi maalmahii lasoo dhaafay ka dhacayay degaano hoos taga gobolka Mudug, kaasoo u dhaxeeya xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Gaas ayaa sheegay in sida ay wax u dhacayaan marka la eego ay u muuqato in Dadka reer Puntland lagu yahay duulaan sidaa darteedna loo baahanyahay in taxadar la sameeyo.

Mudane Gaas ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka dagaalamaya in ay xabadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan ayna ka faa’iideystaan bishan barakaysan ee Ramadan oo ay cibaadeestaan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee ay dadku ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxaasi, waxaana uu ugu baaqay bulshada kunool degaanada maamulka Puntland in ay ka feejignaadaan Weerarada Kooxaha Puntland kasoo horjeeda.