Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay caqabad Soomaaliya hortaagan in ay ka dhalato dowlad iyo waliba qaabka ugu wabaagsan ee lagu heli karo dowladnimada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dowladda dadka ka soo horjeeda xiligaan ay yihiin Al-Shabaab islamarkaana dagaalka kula jira loona baahan yahay in dadkaas wadahadal lala galo si ay Nabada u qaataan.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in waligiis uusan dhamaaneyn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse ay ku wanaagsan tahay in la wadahadlo si dad badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dowladda Soomaaliya ugu soo biiraan.
“Dad badan ayaa jira oo suurtagal ay tahay hadii wadahadal lala furo in ay dowladda ku soo biiraan,horay dowladdii tan ka horeysay wadahadal ayay ugu baaqday tana madaxweynaha ayaa Cafis 60 Cisho ah u fidiyay marka waa in wadahadal lalagalo Al-Shabaab si ay Nabadda u qaataan dalkana u hagaago ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Halkan ka dhagaso Codka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise