Dhagayso Codka: Somaliland oo ku fashilantay in ay samaysato Baasaboor u gaar ah

Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen in ay sameystaan Baasaboor iyaga u gaar ah.

Wasiir ku xigeenkii Hore ee Wasaaradda qorsheynta Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay ku guuldareysatay in ay yeelato Baasaboor.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in hadda asyan laheyn wax baasaboor ah taasna ay ka macno tahay inaan wax horumar ah wali laga gaarin arimaha socdaalka.

Madaxda maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay Mooge in ay ku dhoofaan Baasabooro dalal kale oo aysan isticmaalin Baasaboor ay Somaliland leedahay.

Waxa uu sheegay inay cadaalad daro tahay in madaxdu ay isticmaalaan Baasaboor kale dadka shacabkuna aysan waxba isticmaali karin taasina ay tahay ayaan daro sidaasna aan umad kala qaybsan Qaran ku noqon karin Somaliland aysan sidan Guul ku gaari karin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shacabka kunool Somaliland ay yihiin dad xabsi ku jira Maadaama aysan dalka ka bixi karin awoodna aysan ku lahayn inay ku safraan Baasaboor loo sameeyay.

Mooge waxa uu tusaale usoo qaatay dowladda Imaaraatka in saldhig militari laga siiyay dekedda Berbera aysan ayadana wali ogolaan in wadankeeda lagu tago Baasaboor Somaliland si carro leh ayuu ku yiri anigu ma garanayo waxa la is dhaafsaday.

Halkan ka dhagayso codka Mooge