Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa cadeeyay inay si qayaxan u diideenQorshaha Barnaamijka Horumarinta Qaran ( National Development Plan) ee lagu wado inuu 11ka bishaan ka dhaco magaalada London ee cariga Ingiriiska.
Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay inay u diideen Qorshahaas sababa la xariira inuusan Maamulka Hirshabeelle uusan jirin markii qorshahan la sameeyay.
Sidoo kale Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay inaay jiraan dad Xasad ku ah Maamulka Hirshabeelle lahana Xigsado Maamulada kale ee dalka ka jira.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar kadib markii todobaayadii la soo dhaafay uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Halkan ka dhagayso Codka Cali C/lahi Cosoble.