Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji.
Wasiir Cabaas ayaa dilkiisa yimid kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ilaalo u ahaa Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale
Sdioo kale waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano dhab, oo lagu ogaanayo shaqsiga sida saxda ah ugu dambeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud, si aysan u dhicn deg deg, lana hubiyo cadaalada.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Makxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Masuuliyiinta Dowladda iyo ilaaladooda uga digay in ay handadaan shacabka, dhibaatana ay ugeystaan.
Waxa uu sheegay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in aysan u dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, hadana iyaga dhibaateysan looga tago wadada dhexdeeda, taasina waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo mid ku talagal ah.
Dhagayso Codka Gudoomiye Shuute