Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa maanta kulan ku yeeshay xubnaha Golaha Amniga Qaran iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo, kulankaas oo looga hadlyay arimo ku sabsan amniga dalka.
Kulnka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayay sidii Ciidamada Soomaaliya ay Amisom ugala wareegi lahayeen amniga dalka Soomaaliya.
Inta uu kulanka socday sidoo kale waxaa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriydda Soomaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo,waxa uuna sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay noqdan kuwo wada Shaqeeya si looga gudbo iskudhacyada mararka qaar ka dhexdhaca Ciidamada.
Markii uu Shirkaas soo gaba gaboobay waxaa Saxaafada uga Warbixiyay taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliya