Maamulka Ahlu-sunna ayaa markiisa waxa uu soo saaray war murtiyeed ka kooban 6 qodob kuwaas oo ay uga hadleen wadahadalkii fashilmay ee magaalada Muqdisho ka socday dhawaanahan.
War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Ahlusuna ay weli diyaar u tahay in la wada dhisto Dowlad Goboleed loo wada dhan yahay.
Sidoo kale waxaa qodobada war murtiyeedka ka mid ahaa in Ahlusunaa uusan quseyn wixii ka soo baxa shirka Doorashada la xiriira ee ka socda Magaalada Cadaado.
Waxaa kaloo war murtiyeedka lagu sheegay in Ahlusuna ay Beesha Caalamka ugu baaqeyso in ay ka caawiso Dagaalka ay kula jirto Argagixisada iyo wax ka qabashada Abaaraha.
Agaasimaha War-faafinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Muxudin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeedka ka soo baxay Ahlusuna.
Halkaan ka dhagayso codka