Dhacdo La yaab leh: Al-shabaab oo Dil ku fulisay Oday 75 sano jir ah oo isla guursaday Gabar & Hooyadeed.

Maxkamad ay leedahay Maleeshiyada Al-shabaab ayaa xukun Dil ah ku fulisay Oday da’diisu tahay 75 sano oo lagu soo eedeeyay inuu isla guursaday gabar iyo hooyadeed.

Falkan la yaabka leh ayaa ka dhacay Gobolka Sh/Hoose, waxaana goob fagaare ah lagu toogtay shalay galabtii, Ninkan oo lagu magacaabi jiray Abshir Maxamad Cabdi, markii lagu soo eedeeyay inuu guursaday Caddeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed Xaawa Cabdi Biille, waxayna maxkamadda Alshabaab ku xukuntay Dil lagu fuliyey.

Ninkan ayaa la sheegay inuu soo dacweeyay Xassan Khaliif Aadan oo adeer u ah gabadha Caddeey, isagoo ku eedeeyay Oday Abshir oo 75 sano jir ah inuu gabadhooda guursaday, kadibna hal Canug ay u dhaashay, xilligaas oo uu hore u qabay hooyadeed Xaawo Cabdi.

Oday Abshir ayaa la sheegay inuu la dhuuntay gabadha, isagoo meel miyi ah ku nikaaxsaday, kadibna la dhaqmay, Waxaase uu beeniyay inuu qabo gabadha hooyadeed, isagoo qirtay inuu guursaday gabadha.

Dadka degaanka uu ku noolaa aya la sheegay inay ku markhaati fureen, iyadoo caddeeyay inuu Oday Abshir hore u qabay gabadha uu sheegay inuu guursaday hooyadeed, gabadha ay u ahayd ‘Rabiiba’ taasoo sharci ahaan xaaraan ka ah.

Qaadiga Alshabaab ayaa go’aamiyey in dil lagu fuliyo, mar haddii isagoo og uu ficilkaasi u bareeyay, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo lagu fuliyey.