DFS oo sheegtay 6 ka tirsan Al-shabaab in lagu dilay duqeyn ka dhacday SH/Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn hor leh oo xagga cirka ah xalay lagu bartilmaameed saday Hogaamiyaal Iyo Askar katirsan Xarakada Al-shabaab.

C/fataax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa warbaahinta Dowlada u sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa 6 qof oo katirsan Xarakatu Shabaab kuwaasi oo isugu jira Hogaamiyaal iyo Askar katirsan Al-shabaab.

Duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Iidow Jalaad oo khayaas ahaantii 30 KM u jira degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
C/fataax Xaaji Cabdulle  ayaa sheegayaa in xiligii falka uu dhacayay Shabaabku ay saarnaayeen Mooto Bajaaj halkaasi ku safraysay,mana jirto faah faahin intaasi sii dheer.

Xarakada Al-shabaab aya dhankooda wax war ah kasoo bixin kaa oo ku aadan duqeyntan la sheegay In looga dilay Hogaamiyaal iyo Askar ka tirsan. mana jirto cid Xaqiijin karta sheegashada Dowlada ee k u adan in duqeynta Diyaradeed ee ay sheegtay in lagu dilay Hogaamiyaal iyo askar katirsan Xarakada Al-shabaab.

maal mihii ugu danbeeyay Gobalka shabeelada hoose waxaa  ka dhacayay Duqeymo is daba jog ah oo ay geysanayeen Diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykanka, kuwaa oo qasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna sugnaa deeganada basra iyo deegano kale oo tirsan Gobalka Shabeelada hoose.