Denmark: Hooyo Soomaaliyeed oo si qasab loo soo tarxiilay, labo ka mid ah Caruurteedana laga reebtay

Dhamaadkii bishii Apil ee sanadkan ayaa dowlada Denmark waxay si qasab ah dalkood uga tarxiileen Hooyo Soomaalieed oo haystay Afar caruur ah oo midka ugu yar uu 10 bilood jir yahay,

Hooyadan iyo qoyskeeda oo ka kooban shan qofood, ayaa in mudo ah ku noolaayaa dalka Denmark. Waxaana goor sii horaysay loo diiday in  loo ogolaado sharciga magangalyada iyo waliba kan dib u midowga qoysaska.

Booliska Denmark ayaa xili habeen ah si kedis ah kusoo galay guriga ay reerkani daganaayeen iyaga oo si qasab iyo juujuub ah hooyadan iyo labada ugu waa weyn caruurteeda ku geeyay garoonka diyaaradaha, halkaas oo laga saaray diyaarad u socotay Nairobi.

Aabaha reerkan oo horay Denmark ugu noolaa ayaa dhowr jeer isku dayay in lala mideeyo qoyskiisa hase yeeshee kuma uusan guuleeysan.

Hooyadan iyo labadeeda Caruur ah ee waaweyn ayaa hada ku sugan dalka Kenya, halka aabaha iyo Labadii kale oo uu ku jiro mid 10 bilood jir ah ay ku nool yihiin Denmark,

Dhacdadan foosha xun ayaaa noqotay mid ugub ah oo aanan horay u dhicin,

Halkan Ka aqriso Warbixin dheer oo Wargeyska Berlingske  ee ka soo baxa Denmark uu ka qoray arinta qoyskan,

Ahmed Yare                                                                                           

Goobsan Media 

Soomaalida Denmark oo mudaaharaadyo ka dhigay Caasimada Copenhagen