Soomaalida Denmark oo mudaaharaadyo ka dhigay Caasimada Copenhegan (SAWIRRO)

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday go’aano ay dowlada Denmark bartamihii sanadkii hore soo saartay kaasoo ay ku sheegayso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas magangalyo ka helay. Waxaana dadkaas kamid ah hooyooyin iyo caruur dalkaas Denmark ku dhashay.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hadalo ay ku dalbanayaan in xukuumada Denmark ay joojiso cadaadiska ay ku hayso soogalootiga magangalyada ku haysta dalkooda. Sidoo kale waxay baaq u direen Dowlada Federaalka ee Soomaaliya inay soo farageliso Xaalada Cakiran ee haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Denmark,

Ugu danbayntii Mudaharaadkan ayaa ku soo gaba gabooba Jawi nabadeed.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com