Denmark: Ajaaniibta Ka shaqeeya Maqaayadaha oo la baadi-goobayo

Wasiirada Soogalootiga ee dalka Denmark Inger Støjberg ayaa dadka ku nool Denmark ka codsatay inay ka gacan siiyaan soona sheegaan hadii ay arkaan Shaqsi ka shaqeeynaya Maqaayadaha laga cunteeyo kaasoo aanan ku hadli karin luuqada Danish-ka amaba ay ka shakiyaan in inuusan si sharci ah ku joogin wadanka,

Waraysi ay siisay Tv2 ayay Wasiiradu codsatay in dadka reer Denmark ka gacansiiyaan booliska arintaas. Waxayna si gaar ah u codsatay in dabagal lagu sameeyo ajaaniibta ka shaqeeya meelaha Pizzada lagu iibiyo.

Støjberg ayaa sheegtay in sanadkii 2016 u sii batay lambar-ka ajaaniibta sida bilaa sharciga ah uga shaqeeya Denmark kuwaasoo ku shaqeeya mushahar aad u hooseeya. Waxayna taasi sababtay hoos u dhac ku yimid shaqada.

Arintan ayaa saamayn balaaran ku yeelan doontaa ajaaniib farabadan oo ka shaqeeyay Maqaayadaha dadweynuhu ka cunteeyaan

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Denmark ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Wasiirada waxayna ku sheegeen inuu yahay mid Qal-qal abuuri kara. Xiligana aanan loo baahnayn in la ugaarsado Ajaaniibta

Dalka Denmark ayaa waxaa ku nool Malaayiin Ajaaniib ah kuwaasoo siyaabo kala duwan ku jooga,

©Goobsan  Media

 

Halkan ka Aqriso warkaas Oo ku qoran Luuqada Danish-ka

Støjberg gør det igen: Pizza-udmelding når internationale medier