Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow weerar lagu qaaday Xabsiga Magaladada Boosaaso,isla markaana rasaas laga maqlayo.
Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in ay maqlayaan rasaas ka dhaceysa Xabsiga,waxaaa wararka qaar ay sheegayaan in Xabsiga ay weerareen ciidamo gadooday oo ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday.
Ciidamada Asluubta ee ilaalada ka haya xabsiga iyo Ciidamadii kale ee weeraray ayaa la sheegay in dagaal uu dhexmarayo,isla markaan weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Wararka ku soo kordha kala socda