Deg Deg waxaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo Rai’sal wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga (sawiro)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak .

Wafdigan waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo masuuliyiin kale katirsan Dowlada Soomaaliya.

Waxaa la filayaa Raisal wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga inuu kulan la qaadan doono madaxda sar sare ee Dowlada Somalia si ay uga wada hadlaan xariirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Somaliya sidoo kalena ay u dar dar gali lahaayeen howlaha gurnadka abaaraha.