Deg deg: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax  xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si aad ah looga maqlay magaalada oo dhan.

Uuro iyo qiic ayaa is qabsaday cirka, si dhab ah looma oga halka qaraxa ka dhacay, balse waxaa loo maleynayaa inay ku beegan tahay bartamaha magaalada gaar ahaan Agagaarka Ceel gaabta.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax ismiidaamin iyo weerar toos ah lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Qaraxan hada dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo saaka ay waddooyinka qaar ay xirnaayeen, xilli uu dhoofayay Madaxweyne Farmaajo.

Goobsan kala soco wixii warar ee ku soo kordho qaraxaas.