Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay qarax gaari.
Qaraxan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn halkii loo yaqaanay Shaleemo Soomaali, oo ay hadda ku ag yaalaan Maqaayadaha Somali Coffee iyo Italian Restaurant oo iska soo horjeeda waxaana la soo sheegayaa in lala beegsaday maqaaxi ku taalla halkaasi.
Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Gaadiidka deg dega ah Ambalaasta ayaa ku sii qul qulaya goobta uu qaraxa ka dhacay.
WAXII WAR SOO KORDHA KAL SOCO GOOBSAN