Madaxweynaha Dowladda Federalka soomaliya Maxamed c/laahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhow ka degay magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.
Mudane Farmaajo waxaa Garoonka Diyaaradaha Bole International Airport kusoo dhaweeyay R/wasaaraha dalka Itoobiya Haile-mariam desilgn, iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Cabdi Max,ud.
Sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa uga bilaabatay booqasho Qaran oo labo maalmood ah qaadan doonta.
labadan masuul ayaa ka wada hadli doona xariirka labadan Dowladood ee dariska ah sidii loo sii xoojin lahaa.
Hablo iyo wiilal xiran dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha oo sidoo kale salaan sharaf ka qaatay kooxda baambeyda iyo ciidamada dalkaas oo hab maamuus leh u soo dhoweeyey.
Halkan kala soco waxi war kusoo kordha booqashada Madaxweyne Farmaajo