Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay qeybo ka mid ah degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ku dileyn guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cabduweli Axmed Maxamed.
Dilka guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay Ka soo horjeedka Masjidka Cabdala iyo Cowreele,waxaana la sheegay in Ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Masuuliyiin ay horkaceysay guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka