Gaari nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan oo maraayay duleedka magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelha Dhexe ayaa Miino la kacday iyadoo hal askari uu ku dhintey qaar kalana ay ku dhaawacmeen.
Miinadan ayaa la sheegay in ay ahayd kuwo dhulka lagu aaso waxaana gaariga ciidamada ah ee lagu qarxiyay uu ahaa ciidamo galbinayay wafdi ka socday dowlada federalka oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Weerarada qaraxyada ayaa ku soo kordhaya gobolka Sh/dhexe, waxana qaraxan uu noqonayaa kii labaad ee ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.