DEG DEG: Gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo Miino kula qaraxday duleedka Balcad

Wararka aan ka heleyno duleedka degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah ay goordhow Miino la kacday.

Deegaanka lagu Magacaabo Daniga Baaloow oo ah Wadada aada dhanka degmada Afgooye ayaa la sheegay in Gaari Nooca loo yaqaano Homeyda, ay Miinadaas la qaraxday xili uu ku soo jeeday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkan ayaa u badnaa Haween Ganacsato ah Waxaana la sheegay xiliga ay Miinada Gaariga la qarxeysay uu kusoo jeeday Degmada Balcad.

Sida la xaqiijiyay waxaa geeriyooday Rakaabkii Gaariga Saarnaa waxaana meydkooda la arkay Kaliya 6 Qof halka kuwo kale la aqoon waayey kuwaas oo qaarkood jirkooda uu Go’go’ay sida ay sheegayaan dadkii soo arkay.

Qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Masuuliyiinta Maamulka ayaa haatan dadkaas u Gurmanaya, waxaana deegaanka Daniga Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.