Deg Deg: Axmed Madoobe Oo Mar kale ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee Jubbaland.

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ay ku tartamayeen ilaa Sadex Musharax uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Sheekh Axmed Madoobe.

Doorashada waxaa codkooda dhiibtay ilaa ilaa 74-Xildhibaan , waxa ayna Xildhibaanadan kala dooranayeen sadex Musharax oo kala ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax Maxamuud Maxamed Cumar iyo Canab Maxamed Daahir .

Waxaa ku guuleestay doorashada Musharax Axmed Maxamed Islaam oo helay codad ka badan sadex meelood labo meel halka Musharaxa kusoo xogay ay noqotay Canab Maxamed Dhaair.

Doorashada ayaana waxaa si rasmi ah ugu guuleestay Musharax Axmed Madoobe oo horeyba loo saadaalinayay in uu ku guuleesanayo maadaama uu isagu maamulayay doorashadan maanta dhacday.