DEG DEG: Al-shabaab oo weeraray Qoryooley

Wararka inaga soo gaaraya degmada Qoryooeley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in banaanka degmada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tiran Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo deegaano gobolka ka tirsan laga maqlayo.

Maamulka degmada iyo Saraakiil ciidan oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in hada ay socoto rasaas, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Wariye Amin Ibrahim (Amin yare) Qoryooleey Sh.Hoose