Deeqo Diraac: Haweeney Ku Eedeysnayd Al-Shabaabnimo Oo Xabsiga ku geeriyootay

Waxaa Isbitaal ku dhax yaala Xabsiga Dhaxe ee Xamar ku geeriyootay Haweeneey lagu magacaabi jiray Deeqo Diraac Geedi oo horey loogu Eedeeyay in ay katirsan tahay Ururka Al Shabaab, xukun dheer oo xabsi ahna ku riday Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay in Deeqo Diraac Geeddi xanuunka macaanka ugu dhax geeriyootay isbitaal ku dhax yaala Xabsiga Dhaxe ee Xamar oo ay ku xirneed haweyneedan.

Maxkamada Ciidamada Qalanbka sida dowlada Soomaaliya ayaa ku xukuntay Deeqo Diraac Geeddi 15-sano oo xabsi ciidan ah 29 kii bishii June sanadkii 2014-kii , kadib markii Maxkamdu ku heshay in ay xubin ka tahay Ururka Al Shabaab ayna wax ka fududeysay dil ka dhacay Muqdisho.

Deeqo Diraac ayaa lasoo qabtay iyada oo ku eedeesneed in ay wax ka maleegtay dil Muqdisho loogu geesay Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd gabar ka qalin jebisay Jaamacad kutaala Muqdisho, Maxkamada ayaa sidoo kale horey dil ugu fulisay labo nin oo ku eedeesnaa dilka gabadhaasi