Deegaanka Garasbaaley oo ay ku geeriyoodeen 92 caruur ah

Masuuliyiinta Degaanka Garasbaaley ayaa sheegay caruur tiradooda ay gaareyso 92 in maalmihii la soo dhaafay ay u geryoodeen xaalad nafaqo daro iyo gaajo isugu jirta, taasi oo ku heysata xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaalla Degaanka Garasbaaley.

Guddoomiye ku xigeenka Degaanka Garasbaaley Cali Xasan Cali oo maanta saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in 92 caruur ah ay geeryoodeen.

Caruurtan ayaa la sheegay in xaalada nafaqa darada ay u wehliyaan cudurada faafa sida Jadeecada, Shuban biyoodka, xaalad naadir ah oo ay ku arkeen qaar kamid ah caruurta geeriyootay taasoo ah in ay barareen kadibna ay dhuunta dilaacday sidaasna ay u geeriyoodeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye ku xigeenka qaar kale oo badan in nafsadooda ay halis ku jirto hadii aysan helin gurmad deg deg ah.
Degaanka Garasbaaley ee Duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo barakacay Qoysas aad u fara badan, kuwaasi oo ka soo barakacay Abaarta xoogan ee ku dhufatay Gobolada dalka Soomaaliya.