DDSI oo Oromada ku eedeysay in ay dileen dad Soomaaliyeed oo Maxaabiis ahaa

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadkii habeen hore Dowlad degaanka Oromadda ay ku xasuuqeen tuullada Gadule ee hoostagta Degmada Darullow ee Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya.

Dilka dadkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Liyuu Boolis ay weerareen degaan aan Gadule ka dheerayn, halkaasina ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari.

Reerka laga dilay labada ruux oo ka carooday falkaasi ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Soomaalida ku nool degaanka Gadule, halkaasina ay ku dileen illaa 65 ruux oo Somali ah.
Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa  sheegay in dadkaas markii la laayay ka dib lagu riday meel god ah.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen dad Maxaabiis ah oo horay gacanta ugu jiray maamulka Oromadda.

Idiris Ismaaciil ayaa sidoo kale xusay in Oromadda ay dileen ku dhawaad 70 ruux, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo looga jawaabayo dhibka dhacay.

Xiisad culus oo dilkaan ka dhalatay ayaa ka taagan deganadii dilalka ay ka dhaceen, waxaana laga cabsi qabaa dilalka inay intaan ka sii bataan, iyadoo aargoosi laga duulaayo.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay hawada ka saartay xiriirka Baraha Bulshada, si xiisada arintaan ka dhalatay aysan cirka isugu sii shareereen, waxaana goobaha dilalka ka dhaceen loo diray ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Somalida ku nool Ismaamulka hoostagga Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa soo food saaray xaalad cabsi ah oo la xiriirta dilalkaan dhacay iyo inay ka cabsi qabaan inay sii socdaan.