Dawlada Fadaraalka Oo Shaacisay Sababta ay Dhaqaalaha uga Jartay Maamul Gal-mudug

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday sababta ay dhaqaalaha uga jartay maamulka Galmudug oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay dowladda u joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug ay tahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan madaxda maamulkaas.

“Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan.” Ayuu yiri Maareeye oo sharaxay sababta dhaqaalaha looga jaray Galmudug.

Xiisadda Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa meesha ugu xun gaartay markii uu fashilmay shirkii Garoowe oo arrinta Galmudug ay ka mid ahayd qodobada ugu weyn ee la isku qabtay.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in waqtiga Xaaf ku eg yahay sanadkan, oo ay tahay in doorasho la qabto, halka Xaaf uu sheegay in waqtigiisa ka billowdo heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee 2018 ka dhacay Jabuuti, taasi oo macnaheedu yahay in saddex sano ay u hartay.

© Goobsan Media Inc