Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa sida wararka aan ku helnay yimid kadib markii askariga iyo Darawal uu muran soo kala dhexgalay,hayeeshee markii dambe uu toogtay,isagoona goobta ku geeriyooday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in askarigii ka dambeeyay falka dilka ah uu goobta si deg deg ah uga baxsaday,isla markaana waxaa halkaasi Meydka ka qaaday dhalinyaro kale oo goobta ka agdhawaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka loo geystay dhalinyarada ku shaqeysatada Mooto Bajaajta,iyadoo dhowr jeer oo horey dilal loo geystay ay ka hadleen Mas’uuliyiinta dowladda oo balan qaaday in askarta ka dambeeysa falalkaas gacanta lagu soo dhigi doono,hayeeshee weli taas aysan dhicin.