Dalka Qatar oo Ciidankoodii nabad ilaalinta kala baxday Xadka Jabuuti iyo Ereteriya

Dowlada Qatar ayaa ku dhwaaqday inay ciidamadeeda kala baxday xuduudka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

Wasaaradda Arrimaha dibaddaa Qatar ayaa sheegtay inay go’aankeeda ku wargelisay dowladda Jabuuti, waxaana ciidamadaasi lagu qiyaasay inay gaarayaan 450 askari.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya oo hore dagaal ugu dhex maray xuduudka ay la safteen Sacuudiga iyo Imaaraadka isla markaana ay hoos u dhigeen xiriirka ay la leeyihiin dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa waanwaan dhex dhigay dalalka Jabuuti iyo Erteriya sanadkii 2010, kadib dagaallo labada dal ku dhex maray xuduudka u dhaxeeya oo askar badan lagu dilay, laguna kala qabsaday maxaabiis.