Dagaalyahano kamid ah Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Baay

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan  Maamulka Koonfur Galbeed degaanka Misir ee duleedka Degmada Diinsoor dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda oo halkaasi ka dhacay waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha waxa ay sheegeen inay dileen saddex nin oo Shabaab ka tirsanaa, sidoo kalena waxaa la sheegay in saanad Militari ciidamada ay qabsadeen.

Dagaalka ayaa wuxuu yimid, xilli ciidamada ay ku guda jireen hawlgal ay ku baadigoobayeen xubno ka tirsan Shabaab, waxaana rag Shabaab ah ciidanka ay isku arkeen duleedka degaanka Misir, gaar ahaan tuulo u dhaw deegaankaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed